Print View  
Moving on to Kindergarten (Somali)

Markuu ilmahaygu ahaa sanadkiisii ugu dambeeyey ee iskuulka waxbarashada gaarka ah {special education}waxaan ka walaacsanaa siduu ula socon lahaa  tagiysta fasalka xanaanada {kindergarten}   Sidee buu  ula dhaqmi doonaa caruurta faciisa? {mainstream} ah  ee dhiganaya  fasalka caadiga  ah?  . Miyuu la socon doonaa caruurta kale? Sidee  buu u xamili doonaa 25 caruura  oo fasalkiisa kula jirta.? Waxaan la hadley macalimiintiisii waxbarashada gaar ah u dhigi jirtay waxaanan waydiiyey heerka  waxbashada wiilkaygu uu gaarsiinsan yahay, iyo waxa ku haboon isaga in  loo qabto. Waxaa kaloon la falaqeeyey meelaha ay iyaka latahay inuu ku fiican iyo  meelaha ku adag ee uu kaalamada  gaara ugu baahan yahay.

 

Magaalada Miniyaabolis waxaa jira “spectrum services “ {adeegyo kala jaadjaad ah}  wiilkayga  waxaa laygula taliyey xaaladiisa inaan    geeyo “citywidey” iskuuladaas oo u  habaysan in  lagu caawiyo caruurta dhibaataysan“ autism” kuwaas oo ay joogaan macalimiin loo carbiyeye cudurka  uu wiilkaygu qabo iyo kuwa kale oo ay ka mid yihiin  dhega la’aanta  , dhego cuslaanta   , idho la’anta , fahmad  daridu  {down syndrome}  iyo caruurta  anaaney lixaadkoodu  dhamayn . Mararka qaarkood ajadaha ,wuxuu  noqon karaa kuwo anfaca  si gaar ahaana munaasib ugu ah  ilmaha heerka uu joogo, isla markaana caruurtu ku jirtaa ay yihiin isku  wada cudur  ama isku maskaxna ayna baahidoodu  iyo korimadoodu ay isku meel wada marayaan. Guud ahaan caruurta  u baahan kaalmada  gaarka  ah  waa laga  caawiyaa meelaha uu ka liito tusale ahaan sida loogu hadlo luqadaha, sida dadka loola dhaqmo,sida  xubnaha looga shaqaysiiyo , iyo sida muruqyada  jirka oo dhan looga shaqaysiiyo  . Guud ahaan fasalka xannaandu muhiimmadiisu waxay tahay  iney ardeydu ku qaataan maalinta barkeeda   fasalka dhexdiisa intiisa  kalena  ku qaataan  meelaha uu caawimaad  gaar laga siin  karo. Caruuruhu waxay qaataan wax ay xamili karaan jir ahaan iyo maskax ahaanba  oo ilmo waliba loogu tala galey. Mararka qaarkood  barnaamijka fasalku {oo la isugu habeeyo horumar waxbarsho iyo mid bulsho} waxaa loo doortay in ilmaha  waxbarshada gaarka ah baranaya iney maalinta oo dhan fasalka dhexdiisa ay ku qaataan..  Waxaa ardey waliba loo Qorsheeyey in lagu caawiyo meesha  uu ka liito isla markaana waxaa diyaar u  ah 14 iskuul oo Miniyabolis ku  dhex  yaala. Ka dib markaan la hadley macalimiintiisii, waxaaan tegay shirar aad ii caawiyey oo ay soo qabanqaabiyeen shaqaalaha ECSE { barbaarinta hore ee caruurta yaryar}  kuwaa oo kaa  caawinaya  doorashada iyo gelista  fasal xanaanada {kindergarten}. Waxay inaga inoo  sheegeen  iney Miniyabolis iskuulkeedu haystaan shaqaale kaa caawinaya sidii aad meel wanaagsan   u geysan lahayd caruurtaada. Haddii aad  faahfaahin intaa ka badan  rabtid la soo xiriir  xafiiska diinwaan gelinta waxbarshada  gaarka  {ECSE}, wac Rochelle Cox at 668-5104.

 

Ka dib markaan booqday iskuuladii . Iskuuladaa qaarkood waxay leeyihii  barnaamijka    {autism program}  caruurta fahamkoodu gaaban tahay . Iskuuladaas oo iyagu horey u soo  jirey   qaarkoodna  ay hadda bilaabayaan . Marka hore  waan sii wacdaa waxaanan sameystaa ballan, waayo booqashada markaad iskuulka booqanaysid wax badan kuu ma faahfaahiyaan markuu ilmahaagu   dhibaataysan yahay  mana sheegaan iney waxbarasho gaara ah leeyihiin iyo inkale.iskuul waliba waa uu ka duwan yahay iskuulka kale . Waxaan doortay  labo ilaa saddex iskuul kuwaa soo aniga i qanciyey

 

{ school choice cards} waxaad warqadaha meelaynta  u dhiibaysaa ilmahaaga macalimadiisa ugu danbayn  January15,2007.

 

Markaan   ilmahayga iskuulkii aan u rabay si  sugan ugu soo diinwaan geliyey, taasi igama  wada xallin  walaacii aan qabey  lakiin waxaa qaadey talaabadii u horraysey . Qaar ka mida asxaabtiisii la dhigan jirta iskuulka {ECSE}  horey u barbaarinbta caruurta waxbashada   gaarka   ah ayaa la bilaabey  iskuulka cusub  oo uu dhigan doono taasina way caawisay. Waxaan tagaa iskuukiisa cusub mar ilaa lab usbuuciiba{week}  si aan u soo  idho idheeyo hadba waxa ku soo biiray iyo sida wabarshadiisu u  socdo.

 

Intuuna iskuulku wiilkayga  bilaabin   waxaan la kulmay  maddaxa waxbarshad gaark u qaabilsan iskuulkiisa cusub wuxuuna  na soo marsiisay meelaha uu wax ku dhigan doono si aan agaano fasalada uu  dhiga doono. Maalintii ugu horaysey waxaan baraney  iskuulka buskii geeyn lahaa. Inkastoo ilmahaygu uu fasalka saddexaad yahay haddana waxaan xusuustaa iney ahay maalin aad ugu culus dareenkiisa,   lakiin  si dhaqso ah wuxuu u bartey meelahuu tegi lahaa ,   iskuulkana waa uu jecel yahay.

 

 

            Talaabooyinka aad Qaadiyso { steps to take}

 

.  La hadal  macalimada ilmahaaga.

.  Baro macnaha  qidmadaha kala duwan {spectrum of service}

.  Ku soo wareeg  iskuulka aad  rabtid inuu ilmahaagu kuu dhigto

.  La sheekayso shaqaalaha meelaynta caruurta ee  Miniyaabolis

.  La kulan macalimiinta cusub ee ilmahaaga.

 

 

Erayo  Cusub Iyo Macnahood {Glossary of Terms}

 

Hadddii aad haysato ilmo kaalmooyin daran {curyaan} inta badan waxaad la kulantaa erayo cusub iyo xuruufo la soo gaabiyey oo aanad waligaa  maqal. Waxaan rajeynayaa iney war yar  kaa caawiso sidii aad u fahami lahayd.

 

  Qaar ka mida   erayada ay isticmaalaan haya’adaha dowlada

 

MA: waa deeq caafimaad oo loogu deeqayo dadka indhaha la’, dadka ka wayn 65 sano  ama cuuryaan  ah si looga bixiyo  kharashka guud ee  caafimaadka

 

 

Minnesota care: {MN CARE}  Gobalka  Minisota  ay  ku bixiso  qayb ka mid   ah kharashka  caafimaadka  dadka ku nool Gobolka miniyabolis aana haysan caymis caafimaad . qofka doonanaya kaalamada caafimaadeed waa inuu yahay qof  danyar ah si uu ugu qalmo.

 

S.S.I : Supplemental Social Security waa lacag deeq oo ay dawladu ugu deeqdo walidiinta caruurta caafimaad daran  haysato ee  dad doodu ka yar tahay 18 sano.

 

TEFRA:{Tax Equinty and Fiscal} waxay kuu  ogalaataa caawimaad caafimaadeed caruurta   qaaarkood  oo la nool waalidkood . Barnaamijkaan oo ku salaysan ilmaha heerka caafimaad daridiisu gaarsiisan tahay , kumana  xirna waalidka daqliga  {lacagta}soo gasha  , laakiin mararka qaarkood wuxuu bixiyaa qiimo jaban oo galo TEFRA. Kani waa caymis dheeraada  ah oo aad  iqtiyaar u leedahay  haysashada caymiska hore ayaa wax walba bixiyaa isla markaana TEFRA waxay kaa bixisaa waxa loo yaqaan {co-pays} kaasoo ay kaa caawiso waxyaalo badan oo caymiska hore uunan kaa caawin Karin,  sida daryeelka  ilma curyaanka ah ama loo yaqaan{ Personal Care Attendants}.

 

Waivered Services: ama loo yaqaan M. R.R.C. Waiver, barnaamijkan wuxuu kuu ogoladaa  iney dowlada dhexe{Federal} kuu ogolaato dhaqan raacid  kakabid caafimaadeed ah oo  wax shardi ah layska rabo. Waxay dawlada hoose {states} siisaa fursada arji qorasho ah tunaasul isticmaalista deeqda cafimaadka  lagu deeqo  kaa soo ay ka mid ka mid yihiin { gargaarka deeqda caafimaadka iyo TEFRA} taasi waxay u diyaarisaa  guriga iyo jaaliyadaha meel ku wada nool  u adeega caruurta loo ogolaado barnaamijkaa.

 

 

La  Kulan Shaqaalaha Cusub {MEET THE STAFF}

 

Magacayga waxaa la yiraahdaa Alicia Perales waxaana ahay shaqaale cusub oo shaqeeya isku xiriirita iyo isku duba-ridida  horey u carbinta caruurta u baahan waxbarasho gaar ah     {ECSE} barnaamijkaa oo ka midda  Iskuulka  Dadwaynaha  ee Minneabolis . In ka  badan  12 sano waxaan u shaqaynayey Early  Head Start ama loo yaqaan { horey u carbinta caruurta yaryar} kaas oo aan  u  ahaa u shaqayenta  qaska { Service Worker} , Way To Grow waxaan u ahaa afhayeenka  is dabirida { loo yaqaan xirfad wax soo helis}   la shaqayta qoysaska . shaqadaydu waligeeda waxay ahayd mid aan horey  umarinayo ama baranayo si aan ugu helo qoys walba sii aan ugu hergelin laahaa sida ay isku daberi lahaayeen.waxaan ogahay haddii aan ahaan la’ahaa waalid ilmo curyaana haysta , iney waalida waliba riyaduusa tahay inuu ilmihiisu u noolado sida ugu fudud oo uu ku noolaan karo nonol caadiya.

 

Waxaa sharaf ii ah isla markaana nasiib wanaag  aan u yeeshay in laygu soo dhaweeyo guryo qoysas kala duwan ay leeyihiin. Waxaan isla markaana ka bartey waalidinta dhaqamo  iyo dabeecado kala duwan qosaskaasoo ku salaysan degmooyinka magaalada aanu  deganahay. Waxaan  intaa iyo in ka badanba   rajeynayaa inaan sii wado wada shaynta  waalidiinta caruurta curyaaminta . waxaan ahay mawro 

Waxaa sharaf ii ah inaan ahay hooyo saddex carrura leh ayeeyna  u ah labo gabdhood  oo dadoodu kala tahay saddex jir iyo shan jir.

 

XUSUUSIN { REMINDER}

 

 

Qoysaska adeecida waxay idiin ogol yihiin inay idii celiyaa wixii qarasha oo idinka baxa tegista waxbarshada ilmahaaga qusaysa waxaad la soo xiriitaa Jean {612} 668-5107

Si aad u ogaatid sida aad u heli kartid qiimaha barnaamijkaa..

 

 

 

 {CHANGED BY A CHILD}

 

Kulanka isku  tagista walidiinta caruurta yaryar ee curyaamiinta .

Bil walba Arbacada labaad , 6pm-8pm

Cinwaanku waa: Burroughs school, 1601 west 50thstreet, Minneapolis

Waxaa arinta fududeeyey shaqaale loo tababaray , oo iskaa wax u qabso ku shaqeeya , iyo waalidiin ay arintani ay horey u soo qabsatey. Haddii aad  rabitid intaa wax ka sii faahfaahsan waxaa la soo xiriirtaa Jan

[612} 668-5174.

 

 

 

Ilmaha u baahan Waxbarashada gaarka ah iyo waalidiintooda {ECFE } Monthly  Mondays

 

Sullivan school

3100 E. 28th street

Minneapolis

 

1st Isniin { waalidiinta hasta ilmaha  DOWN SYNDROME }

5:30-7:30 pm  call {612}668-5132

 

2nd  Isniinta { abaaysha hasta caruurta curyaamiinta

5:30-7:30 pm call {612} 668-5132

 

3RD Isniinta  {waalidiinta haysta caruuta children with autisms spectrum disorder}

5:30-7:30pm call {612-668-5132

 

Wadashaqaynta  waalidka { Parent to Parent}

 

Si fudud ayaa ula xiriiri  kartaa waalid kale oo loo tababaray la talinta waalidka kale waxaa la kulmi kartaa  waalid  ilmahiisu qabo cudur la mida ilmahaagu midka uu leeyahay oo kale  islamarkaana marxalada aad ku jirto soo maray .  Haddii aad  rabtid inaad  su’aalo gaar ah  waydiiso  waxaad soo wici kartaa a Jan {612} 668-5174 .

 

 

 

 

Waalid waayo arag ah  “BEEN THERE,”

 

Markaan tix galiyo Qarashka dheeriga ah ee daawada , qalabka jir dhiska iyo cuntada gaarka ah ee ilmahayga  waxaan ii muuqata inaan haysan lacag igu filan. Ha soo qaadin inaan bixiyo qarashka qof tababaran oo dabooli kara baahida gaarka ah ee ilmaygu iyo inaan awood u yeelano  inaan nasano sida qoska caadiga ah. Ma rabo inaan cawdo , laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan mararka qaarkood nasto hal saac ama labo wax rajo ah ma leeyahay.

 

 

Danyare { Dear Broke}

 

Marka hore  waxaad u muuqataa inaad ilmahaaga u qabanaysit  waxyaalaha ku haboon sidaa darteed hambalyo.  Hase ahaatee , waa inaad hubisaa inaad fursad u hesho nasasho, ilmahaaguna fursad u helo madadaalo iyo ciyaar, labaduba waa muhiim waxaa jira adeegyo dowlada oo kaa lmeeya ama cawiya qoysaska caruurta wax u dhiman yihiin{disabled}oo ku caawin kara .

 

 

Iyadoon la tixgalin daqliga qoyska caruurta waxay u qalmayaan kaalmo caafimaad oo laga bixiyo borogaraamkaas oo loo yaqaan TEFRA. Kasoo hoos yimaada kaalamada guud ee caafimaadka  isla markaana ku siin kara awood aad ku bixiso  kharashka daawada iyo qofka ilmaha kuu haya  {PCA}. Wuxuuna qofkaas  u tababaran yahay waxyeelada   caruurta  curyaamiinata .

 

 

Intaa waxaa sii dheer , Hennepin County Social Service waxay qoysaska u qalma siisaa deeqo lacageed tasoo loola jeedo in qoysaska laga siiyo lacago ay ku bixiyaan qarashyada   aysan awoodi Karin ee ku baxa ilaalinta ilmaha ee guriga dhexdiisa , markaas qoyska waxay awood u helayaan inay soo gataan qalabka iyo adeega toos u dabooli kara baahidooda  ilmaha  oo ay ka mid yihiin sida  ,  Bira socadka u fududeeya, gaariyada lagu fariisto {wheel chair} casharo gaara   sida  barashada dabaasha. Rajada laga leeyahay deeqdaas waxay tahay in la raajiyo ama la hor  istaago caruurta guriga laga saarayo si loo xoojiyo barbaarinta ilmaha iyo dhismaha qoyska .   Wixi war dheeri ah wac Hennepin county front door 612-348-4111

               

Nasiib wawaagsan