Print View  
Patrick's Path (Somali)

Xiriirinta  Walidiinta  iyo  Ilmaha u Baahan Waxbarshada Gaarka ah {ECSE }.

 

 

                        Tubta   Patrick

 

Patrick Muenzner wuxuu kala wadaa garaashaka Patty Repair Shop ee ku  yaala dhinaca Waqooyi Galbeed ee magaaalada Mininyaabolis ee lagu badalo batariga . Marka uu maqalo heesta “ Ball and Chain” ee ay leeyihiin kooxda Social Distortions wuu la ciyaaraa .  Marka uu gurigiisa joogana wuxuu baaritaan cilmiyeed ku sameeyaa jikada .  Dabcan,  howlahan oo dhan waxaa u fududaysay hooyadiis, Amanda Muenzner.  Waxey u keentaa alaabaha ay caruurtu ku ciyaaraan oo halaysan, isaguna wuxuu ku kabaa  garaashkiisa ku dhex yaala qolkiisa hurdada . Amanda waxay u gelisaa  CD-ga, kadibna  cunto iyo qaxwe ayeey u sameeysaa wiilkeeda ka hor inta  aaney isugu soo dubarid qalabka cusub uu u isticmaalo cilmibaarista.

 

 

Partick, oo affar sano iyo bar jir ah, dhawaan ayaa laga soo helay cudurka maskaxeedka loo yaqaano Autism-ka “ waa ilmo aan caadi ahayn” ayeey tiri Amanda., iyadoo raacisay “ Autism-ka  ayaana qayb ka ah  dhibaatada haysata .” Laakiin mar walba uma fududayn Amanda inay fahmad ka bixiso dadeecadaha la yaabka leh ee Patrick. Waxay markii ugu horesay u sheegtay walwalkeeda dhaqtarka caruurta, markii uu Patrick uu 20 bilood jirey. Wuxuu noqday mid qalqaaliya, caruurtana qaniina, ama wax  ku dhufta. Hadulkuna wuu ku adkaa. Amanda waxaa lagu yiri ka warsug oo la soco siduu noqdo.

 

 

Dabeecadiisu waa ay sii darsadeen, Amanda waxay bilowday iney qorto wax ay ku aragto wiilkeeda. Markii uu lahaa ballantiisiis saddex jirka ayey dhakhatarkiisii u dhiibtay bog iyo bar qoraal ah.  Mar  labaad waxaa lagu yiri iney sugto oo areg wixii soo kordha.  Malaha koriimadiisa ayaa ka danbaysa caruurta kale da’diisa ah  ayaa Amanda lagu yiri.

 

 

“ Waxaan jeclaystay  in la fahamsiiyo  inuusan Patrick waxba qabin,”  ayeey tiri Amanda  oo raaciay “ Qaybt naftayda kamid ah ayaa sidaas  rabtay.” Afar bilood ka dib bishii December  ee 2005 ayaa Patrick loo gudbiyey  Waaxda Waxbarshada Gaarka ah ee caruurta Mineyaaboli, {ECSE}  si loo ogaado inuu waxbarshado diyaar u yahay iyo inkale. Xitaa markaas waxaa laga soo sheegay oo kaliya arrimo la xiriira hadalka iyo arraga. Qofna sooma hadal qaadin Autism, waxaana dabeecadaha Patrick lagu macneeyey inay tahay mid “kacsan” una baahan in  laga war sugo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Laakiin Amanda waa ogeyd in wax ka khaldan yihiin wiilkeeda. Marka waalidiinta kale

isla fadhiiyaan oo isku sheekaynayaan, Amanda  waxey ku khasbanayed inay ilaaliso Patrick si ay u hubiso inuu si wanaagsan u dhaqmayo. Tabartiisa badan  iyo ciyaartiisa  aan cabbirnayn ayey ku daashey . “ waxaanan markasta is dhihi jirey waxani ciyaar ka badan,” ayey tiri Amanda . Markii danbe ayaa Patrick  loo diray baaris lagu ogaanayo  heerka hadalkiisu uu  marayo. Dugsiga xaafadda ayaa  bishii Maarso 2006 ka qaadey Patrick shaybaar lagu ogaanayo cudurka Autism-ka,  ka dibna waxay waalidka Patrick la kulmeen kooxdii iskuulka bishii May 2006. durbadiiba Patrick waxaa shan arday oo kale lala geeyey galaaska ardayda qabta Autism-ka ee dugsiga Longfellow. Markii wuxuu halkaas kula kulmay dhibaatooyin badan laakiin ugu danbaytii uu iskala qabsadey. 

 

 

Patrick horumar badan ayuu ku sameeyey iskuulkaa. Amanda ayaa waxay dareentay  isbadalka badan ee  ka yimid wiilkeeda xagii  wareerka {frustration} uu gaarsiisnaa..

Xiriir wanaagsan ayuu la leeyahay walaashii Erin, oo hada 11 bilood jirta. Amanda waxay ku farxasan tahay inay aragto xiriirkaas oo wanaagsan iyo isla ciyaarka ka dhaxeeya Patrick iyo walaashii Erin.

 

 

Madaama uu hadda  sheegan karo waxa uu rabo , wuxuu mararka qaarkood qoyska oo dhan u hogaamiyaa meelo xiiso badan.  waxaan inta badan Bowlinka ku soo ciyaarnaa meesha la yiraahdo  Elsie’s .    Patrick wuxuu waligiiba la yabanaa sida loo ciyaaro bowling-ka . habeenkii kirismasku soo galaye, Patrick waxaa loo ogolaadey inuu ciyaaro, madaama meeshu ay cidlo ahayd. Aad ayuuna uga farxay, Amanda-na way u riyaaqday.

 

 

 

 

Amanda waxay baratay inay xusuusnaato waxaayabahaas yaryar ee Patrick soo mara.  Barbaarinta Patrick waxay  bartay inay ku faraxdo waxyaalaha yaryar. Waxayna aaminsan tahay in nasiibku keeney  Mineyaabolis siddeed sano ka hor, markaas oo ninkeeda Dave uu waxbashao sare u yimid . laakiin way ku faxasan tahay iney ku nagaadeen gurigooda ku yaala Waqooyi Bari Miniyaabolis Amanda way ku adag tahay inay ka  fikirto sidii ay ugu noolaan lahayd gobol kale oo aan sidaas ugu sii wanaagsanany waxbarashada gaarka ah ee caruurta uu helay Patrick.

 

Amanda wixii isbedellada Patrick ku dhaca uga mahad celisaa shaqaalaha waxbarshada gaarka ah, gaar ahaan kuwa iskuulka  Longfellow. Welwelka ay ka qabaan wuu yaraadey markii ay arkeen inuu Patrick sameeyey harumar dhanka xirfada fahamka ah. Lakiin xitaa markii Patrick culays dareemo , in cudur laga helay ayey ogyihiin. “ Madaama aan ognahay sida caafimaad darrada  loo hayo Patrick, waa loo dulqaadan karaa” ayey tiri Amanda iyadoo raacinaysa “wax ka wayn ayaa  haysta”.

 

 

 

 

Amanda mustaqbalka Patrick way ku niyad wanaagsan tahay, madaama ay jiraan xarumaha kale ah: Waaxda Waxbarshada Caruurta u Gaarka ah, xirfadlayaal ka macallimiinta  caawinaya hadalka iyo dhaqdhaqaaqa iyo faslaka lagu barto xirfadaha bulshada oo todobaadle ah. Xaaladdu waa ay ka duwan tahay markii ay iyadu arday ahayd oo aan la aqoon cudurka Autism-ka, markasoo caruurta qabta aan la daryeeli jirin, ama loola dhaqmi jirey sidii kuwa  waalan {dhib} badan oo kale. Hadda Amanda waxay ku kalsoon tahay in Patrick iyo kuwa isaga oo kale ah waxbarashada laga taageeri karo.

 

 

“Kuwani waa caruur wanaagsan oo yaqaano tabo badan,” ayey Amanda tiri iyadoo raacinaysa “waxaan kaliya oo aan u baahannahay inaan ku toosinno tubta  ay rabaan.”

 

 

Jidka Patrick-na waxaa laga yaabaa inay hore u gayso xarun cilmibaaris, madaama uu aad u jecel yahay tubbooyinka baarintaanka iyo sida wax u shaqeeyaan. Tilmaamahaasi waa kuwa si weyn loo yaqaano waayadan dambe, mahadeedana waxaa leh bandhiga cusub oo telefishinka ka socda oo la yiraahdo Curious George.  Patrick aad ayuu u jecel yahay bandhigan  Curious George,”   ayey tiri Amanda, oo raacisay “ inuu wax walba ogaado ayuu jecel yahay , waxayna  i  soo xusuusisaa sida uu u jecel yahay inuu wax walba ka war doono.

 

 

Fahmida hadalka caruurta  yaryar {understanding small voices}

 

Sandra Hewitt, PHD,   waxay inoo sharixi doontaa doontaa sida xusuusta iyo jaahwareerku ay u yihiin wax isku murgan { aan sahal ahayn} iyadoo isticmaalaysa sheekooyin  ku dhacay caruuro lagu xad-gudub af iyo adin leh,iyo dayac deegaaneed. Sida ay u saamaynso jaahwareerka caruurta da’ha yaryar iyo sidii loo cadayn lahaa  jaahwareerka sidiisaba aaney sahlanayn caruurtu marka aaney hadli kari.?

 

                        April 30, 6-8 pm

                        Wilder Campus Oryatiishinkiisa {Auditorium}

                        3345 Chicago Ave S, Mpls

 

Waa bilaash laakiin soo wac si aad isku qorto. Wac Jamie

612-668-5109 ama iska diiwaan gali online at

www.mplsfamilysupport.org

 

 

 

 

 

 

 

 

Ma Ogtahay ?

 

Baarista  caafimaad ee Caruurta iyo Dhalinta  waa daryeel caafimaad oo  faa’iido u leh caruurta haysata   M.A ama Minnesota Care.  

 

Shaybaaryada  { kiliini-gu}  qaarkood waxay  sameeyaan  baaritaanka  caruurta iyo dhalinta in mar walba  ay helaan xanaano  joogto ah oo samaynaysa  caafimaad baaritaan . Qoysasku markay balanta samaysanayaan  waxay kiliiniga  waydiisan karaan   in  ilmaha {cunuga}  caafimaadkaas si taxadiran   loogu  baaro. Baarintaankaas oo loo samaynayo si taxadiran waqdi badan ayuu qaataa, waxaana ka mida dhererka, iyo ilmaha culayska oo la eego, dhegaha iyo idhaha la  baaro, koritaanka oo   aqbaar laga  bixinyo, cunta qaadashadiisa oo lagaa waraysto {diet information}, jirka oo  la baaro, taalaalka, caafimaadka guud oo lagaa waraysto, sunta rijaga oo laga  baaro, iyo in laguu tilmaamo meesha aad ka heli karto meelaha  ilkaha lagu sameeyo.

 

 

Ayaa bixinaya qarashka baarintaaka?  Hadii aad haysasto kaarar-ka  M.A ama Minnesota Care,  caafimaad baaris iyo ka hor tagida daryeelka ilkahaba waa mid baahidooda lagaa daboolayo, waxaanad caawimaad ka heli kartaa shaqaalaha Hennepin County oo walibana kaa caawinaya xaga gaadiidka.

 

Haddi aad u baahatay faafaahin intaa ka baban wac, Baarintaaka Caruurta iyo Dhalinta  ee Hennepin   612-348-5131.

 

 

 

 

Iskaashiga  Waaliindka  { parent to parent}

 

Haddii aad xiisaynasit inaad caawiso waalid kale oo haysta ilmo caafimaad-darro haysato ama  curyaan ah, ama aad tixgalinaysit  si aad u noqoto la taliye  dhegaysanaya shucuurta taaggeerista waalidka  isla markaan siinaya akhbaar hagid   oo ah marxaladaha ay ku jiraan ugna badashid mid guuleed.

 

Qoys tageerida Miniyaabolis waxay bixin doontaa  tababar waalid oo ah la talinta qoyska

Ka soo la bixinayo Maarso 19 and 26  hadii rabtid intaa wixii faahfaahin ka badan soo wac Jean  612-668-5107.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waalid waayo arag ah  {Dear Been }

 

Waxaa dhawaan aan ogaaaney in  cunigeenu {ilmo} uu u qalmo iskuulka waxbarasha gaarka   sababtoo ah waxaa laga yabaa inuu leeyahay nidaam daro xagg   dabeecadeed

{Emotinal Behavioral Disorder}. In muddo ah Waxaan ka walwalsanaa   cunigayga dabeecadiihiisa lakiin   markii la ogaaadey cudurkiisana “Autism”  way i caawisay , nasiib darase   ninkaygu wali ilama fahmin. Ka dib markaan  waxyaabo badan ka wada hadaney waxaan ogaaney iney muhiimadu tahay:  muxuu yahay dhibaatada  inoogu jiri  doonta markaan gelino iskuulka waxbarsha gaarka, ma mid magac xumoku jirto ayey noqonaysaa {special ed} . Macalimadiisu sidee bay  ula dhaqmi doontaa? ma si ka duwan ardaya kale?  Rajada laga sugaase  mustaqbalka maxay noqon doontaa? Ma wuxuu noqon doonaa mid fasal walba daba jiitama? Mase laga yaabaa  inuu nolol caadi ah ku koro?.

 

 

Waalidiin walaacsan {anxious parents}

 

Marka hore waxaad soo ban dhigtay labo su’aalood oo aad u muhiima. Walidiin badan ayaa ka soo  jawaabey sida ay u arkaan inuu ilmahoogu u baahan yahan   waxbarshada gaarka ah iyo inkale. Dadka qaarkii waxay jecel yihiin iney xog {warar}  uririyaa  sidii ay hadba ugu suuro gasho. Waalidiinta qaarkooda kale waxay cawimaad  waydiistaan la taliyaal, intooda kalene waxay galaan  taagerad  waalidka,[ support group]  ama  waqti ayey siiyaa si ay u iloobaan tiirayadaas, inkastoo aaney  qaali  ahanyd  jawaab celinta ka imanaysa labadiina  wararkaas, waxaa muhiima  ah inaad sameesaan wada shaqayn ku saabsan sideed waxtar u leh ilmihiina.

 

Haddii aad tahay waalid haysta ilmo ku jira dugsiga waxbarshada gaar ah magac xumo  {caalamad}  run ahantii waa wax laga baqo, waxaad u baahan tahay inaad ku kalsoonaato caawimaad uu ilmahaagu helayo.  wuxuu helayaa waxbarasho sare oo isaga u gaara oo daboosha baahidiisa gaarka ah. IskaashiWaalidiinta iyo xaanaaneeysha  waa iney taakulayn ka helaan guryahooda si ay u caawiyaan caruurtaas.  Caruurta qaarood waxay galaan fasalo tiro koobon  oo u gaar ah waxbarshadooda ay  u baahan yihiin, ku kale waxaa helaan caawimaad kaga timaad xagga horumarinta waxbarshada umadka  

{pre-school} oo ay ku jiraan.   kuwa ku jira iskuulada waxbarashada gaarka ah waa ay sii wadi doonaan marka ay gaaraan dugsiyada hoose, dhexe iyo sareba, haddii ay wali cawimaad u baahdaan  iyagoo ardey waliba la eegayo meesha uu ka liito. Intooda badani waxay ku biirayaan  fasalada caadi ah ,  oo laga soo saaro marka loo baahdo in laga caawiyo waxa laga caawinayo sida :  hadalka, luqada, iyo adeegsiga xubnaha sida ku dhacda maraka qaarkood ardeygu u baahan  in laga caawiyo luqada ingriiska . faa’iiduna waxaa la heli karaa markuu horey  ilmuhu u bilaabo waxbarshada gaarka ee caruurta yaryar.

 

                                    Nasiib wanaagsan

April 2007